XOG: Fargeeti iyo MUUNGAAB oo isku dheggan

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo aan ka heleyno ilo wareedyo ku dhow dhow Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Muungaab ayaa sheegaya in khilaaf iyo muran uu hareereeyay Wasiirka Maaliyada Xukuumada Somalia Max’ed Aadan Ibraahim Fargeeti iyo Muungaab.

Khilaafka iyo Muranka ayaa yimid kadib markii la sheegay in Muungaab uu isku dayay in dhaqaalaha uga xaniban Bangiga dhexe ee DF uu la baxo, hayeeshee wasiirka uu arrintaasi ka biyo diiday.

Muungaab ayaa asbuucyo ka hor inta aan laga qaadin xilka Gudoomiyenimo Bangiga ku shubtay lacago farabadan, waxaana amar kasoo baxay DF lagu mamnuucay in dhaqaale uusan ogeyn Wasiirka maaliyada laga bixin karin Bangiga si loola xisaabtamo Muungaab iyo ku-xigeenadiisa.

Muungaab oo doonaaya in dhaqaalihiisa uu kala baxo Bangiga si uu uga safro dalka ayaa waxaa iminka caqabad ku noqday wasiirka maaliyada, kadib markii uu xujo uga dhigay in amarka bixinta lacagahaasi uu kasoo baxo Madaxweyne Xassan iyo Odawaa oo ay lacagtaasi u xaniban tahay.

Wasiir Fargeeti ayaa Muungaab ku wargaliyay inuusan bixin karin lacagta ka taala Bangiga, waxa uuna ka codsaday in Madaxweyne Xassan amaba wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka uu kala imaado warqad fasax ah.

Arrintaani ayaa imaaneysa xili Wasiirka arrimaha gudaha uu Fargeeti iyo Maamulka Bangiga dhexe ku wargaliyay inaan la bixin karin lacagaha Maamulka Gobolka ka yaalla Bangiga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com