XASAN oo loo soo jeediyay inuu xilka ka qaado Xamza

Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Cabdi Ismaaciil Samatar oo kamid ah golaha Aqalka Sare ayaa madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud usoo jeediyay in uu bedelo Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre.

Senator Cabdi Ismaaciil ayaa ku dooday in xiligaan loo baahan yahay in xilka Ra’iisul Wasaaraha la keeno Aqoonyahan tayo leh oo bulshada hagi kara, islamarkaana lagu aamini karo dowladda.

“Madaxweynaha waa in uu soo nooleeya kalsoonidiisa hogaamiye Qaran isagoo ku hawlaya afar arrimood. Ugu horeyn waxaa loo baahan yahay in la bedelo Ra’iisul Wasaaraha iyo Golaha wasiirada, lana keeno Aqoonyahano Soomaaliyeed oo tayo leh oo bulshada hagi kara, dowladana lagu aamini karo,” ayuu yiri Senator Cabdi Ismaaciil Samatar.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ra’iisul wasaaraha hadda xilka haya iyo wasiiradiisa loo magacaabay sidii uu madaxweynaha u noqon lahaa madaxa fulinta ee xukuumadda, halkii ay aheyd inuu ka noqdo madaxa qaranka.

“Madaxweynaha waa in uu ciyaaro kaalin hogaamiyenimo oo uu ku dhaqaaqo isbedello waaweyn, sida in uu bedelo Ra’iisul Wasaaraha.”

Senator-ka oo Qormo dood badan dhalisay ka qoray xaaladda Soomaaliya ayaa sidoo kale waxa uu ka digay in dagaalka lagula jiro Al-Shabaab uu dalka u horseedo marxalad aan kasoo noqod laheyn.

“Dagaalka Al-Shabaab ee hadda socda iyo beelaha hubka la siiyay, lana abaabulay haddii aan la maareyn waxay Soomaaliya u horseedi doonaan cadaab.”

Ugu dambeyntiina waxa uu Senator-ka soo jeediyay in caasimadda Muqdisho la hagaajiyo maamulkeeda iyo amnigeeda, ogolaanshana loo siiyo dadkeeda inay soo doortaan maamulkooda sida; duqa magaalada iyo golaha deegaanka.