Xasan oo si dadban u duray Imaaraadka Carabta, digniin culus-na u diray dalal kale

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo markale ka hadlay heshiiskii Addis Ababa ee Somaliland iyo Itoobiya ayaa soo hadal qaaday dalalka sida weyn ula saftay Soomaaliya iyo kuwa ka dhuumanaya weli inay mowqifkooda cadeeyaan.

Dalalka saaxiibka dhow la ah Villa Somalia ee ka dhuuntay heshiiskan oo aan illaa hadda mowqifkooda cadeynin waxaa kale oo kamid ah Dowladda Imaaraadka Carabta.

Xasan ayaa Jimcihii si adag ula hadlay dalalka weli ka dhuumanaya inay cadeeyaan mowqifkooda qaddiyadan, isaga oo uga digay dalalka caalamka ee weli ka hadlin arrinkaan in aysan taageeri karin xad-gudub ka dhan ah Soomaaliya.

Waxa uu sheegay madaxweyne Xasan in keliya dalalkaasi ay isku xumaan karaan Soomaaliya, balse ay cid kale siin karin ama xitaa ku taageeri karin dhul Soomaaliyeed.

Sidoo kale madaxweynaha waxa uu xusay in dalalka Soomaaliya la saftay marxaladan adag ay waligood xasuusan doonaan, ayna maalintooda garab istaagi doonaan.

“Dowladaha caalamka ah ee saaxiibada ah waa ku mahadsan yihiin kuwii Soomaaliya midnimadeeda, xuduudahooda iyo dhulkeeda ilaalintiisa ka hadlay oo na garab istaagay aad iyo aad u mahadsan yihiin waa saaxiibo jira,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa uu intaas kusii daray “Kuwa kale ee aamusan ee meelaha ku gabanaya waxaa leenahay ma dhaceyso, Soomaaliya unba isku xumaan kartaan oo cid kale ama dal kale dhulka Soomaaliya ma siin kartaan, kumana taageeri kartaan.”