Xasan oo war cusub kasoo saaray heshiiska doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweymihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo muuqaal soo duubay ayaa ka hadlay munaasabadda Ciidul-Adxa oo maanta Talaado ah ay ku beegan tahay maalintii koowaad oo si weyn loo Ciidayo.

Ugu horreyn Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo ku aadan munaasadda Ciida u diray dadka Soomaaliyeed, isaga oo dalkana Alle uga baryey amni iyo horumar.

“Waxaan dhammaan ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa munaasabadda Ciidd Al-adxa. Waxaan Alle dalkeena uga baryayaa amni iyo horumar,” ayuu yiri.

Dhinaca kale musharrax madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo hadal-qaaday xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashada iyo heshiiska laga gaaray.

Xasan Sheekh ayaa shaaca ka qaaday in Soomaaliya waxa dhibaatada u keenay ay tahay fulin la’aanta wixii lagu heshiiyey, sidaas daraateedna wuxuu ku baaqay in wax weliba loo fuliyo, sida ay tahay, si looga gaashaanto khilaaf horleh oo yimaada.

“Iyada oo shalay aan soo heshiinay Maanta wixii lagu heshiiyay in si kale aan ula dhaqano waa waxa mudada dheer aan dhibaatada ugu jirno, marka waxaan ku baqayaa in wax walba sida ay yihiin loo fuliyo,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Xasan Sheekh.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo halkiisii uu yahay heshiiska doorashooyinka ee ay magaalada Muqdisho ku gaareen dowladda dhexe, dowlad goboleedyada & G/Banaadir.

Si kastaba Soomaaliya ayaa weli ku jirto marxalad kala guur ah, iyada oo haatan lagu wado in la guda-galo doorashada, iyada oo lagu hormarayo soo xilista xildhibaanada.