27.3 C
Mogadishu
Sunday, June 8, 2025

Xasan oo liiday digniino Puntland kaga yimid iyo farriin uu u diray Somaliland

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladiisa ay wafdi u direyso Puntland si ay ugala soo hadlaan qorshaha ku aadan maamul u sameenta gobalada dhexe sida Galgaduud iyo Mudug.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in uusan wax sidaas u buuran u arkin hadallada ka soo yeeraya Puntland ee ku aadan in ay xiriirka u jarayaan dowladiisa.

Wuxuu hoosta ka xariiqay dowladda in ay waajib ka saaran tahay hirgallinta nidaamka fedaraalka iyo maamul u sameenta gobalada dalka balse aaney cidna loogu dhimmeynin maamuladaas.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in weli uu aaminsan yahay xiriirka dowladda Soomaaliya iyo maamulka Puntland uu yahay mid wanaagsan balse wax yaabaha mugdiga ku jirra la sixi doono.

Madaxweynaha ayaa dhinaca kale ka hadlay mowqifka Somaliland ay weli ku dooneyso in ay kaga go’do Soomaaliya inteeda kale, wuxuu sheegay in dowladda ay aaminsan tahay midnimada Soomaaliya in ay muqadas tahay halka Somaliland ay aaminsan tahay wax intaa ka badalan.

Madaxweynaha waxaa kaloo uu tilmaamay in Soomaaliya meel kasta oo ay joogto aaney kala maarmin.

Ugu dambeen Xasan Sheekh madaxweynaha Soomaaliya oo hadalkan ka sheegay kulan dadweyne oo xaley ka dhacay aqalka madaxtooyda halkaasoo su’aalo lagu weydiiyay, ayaa ka dhawaajiyay in uusan jirin wax khilaaf ah oo ka dhexeeya madaxda dowladda balse ay jiri karaan kala duwanaansho xagga aragtida ah taasoo oo ku sifeeyay Dimuquraadig State.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News