XOG: Magacyada Afa qof oo loolan ugu jira xilkii laga qaaday Sambaloolshe

Muqdisho (Caasimada Online) – Khilaafka ka dhex curtay Madaxweynaha iyo Ra’iisul WasaarahaSoomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud iyo C/weli Sh. Ibraahim, kaaso salka ku haya xil ka qaadistii Cabdi Weli ku sameeyey Agaasimaha Nabadsugida C/laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), kaddib markii Xukuumaddu ay ku eedeysan ku takri fal dhanka awooda ah iyo amar-diido.

Muranka labadda mas’uul (Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha) ayaa ah mid salka ku haya arrimo Dastuuri ah; iyada oo dhanka Madaxweynaha doodu ay ku saleysan tahay in Xukuumaddu leedahay (talo soo jeedin keliya); balse cidda go’aanka kama dambeysta ah iska leh ay tahay Madaxweynaha; Halka dhinaca kalena ku doodayo in Xukuumaddu leedahay awooda fulinta oo dhammeystiran.

Waxay u muuqataa in Sambaloolshe xilkiisa aanu dib u heli doonin, waxaana isku haysta rag badan oo doonaya in loo magacaabo.
Sida aan shalay werinay Wasiirka Cadaalada iyo Arrimaha Dastuurka Somalia Faarax C/qaadir ayaa doonaya in Axmed Dayib Dhagacaleen oo kamid ahaa Taliyayaasha Booliska xilkaaasi loo magacaabo.

Axmed Dayib Dhagacaleen oo kasoo Jeeda Beesha Reer Ow-Xasan ayaa waxa uu xilal kala duwan ka qabtay Boliska, gaar ahaan Xarunta tababarka Ciidamada Boliska Iskuul buliisiya ee Generaal Khahiye.

Si kastaba, waxaa jira rag kale oo Iyana xilkaas doonaya in loo magacaabo kuwaasi oo kala ah:

1) – Sooyaal Cali Cumar oo ah sarkaal khabiir ku ah dhanka ammaanka.
2) – Cali Aaden Guleed oo ah korneyl ka tirsanaa saraakiishii hore ee Nabadsugida.
3) – Xuseen Macallin oo hadda ka mid ah saraakiisha sar-sare ee Nabadsugida.

Xubnaha xusul-duubka ugu jira buuxinta xilka Agaasimaha Nabadsugida Qaranka, ayaa maalmihii ugu dambeeyey lagu arkayey iyaga oo kulamo la leh Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha, waxaana wararkii ugu dambeeyey ay sheegayaan in Madaxweynaha laga codsaday in uu aqbalo Xilka qaadista Sanbaloolshe, taa beddelkeedana uu keensado shaqsigii lagu beddeli lahaa, balse weli waa uu ku dheggan yahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com