XASAN SH. oo si rasmi ah u caddeeyey mowqifkiisa ku aadan SAMBALOOLSHE

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay ka qeyb galayay Barnaamij dood ah oo ku saabsaneyd waxqabadka dowladda mudadii labada sano ee ay jirtay, kaasoo ay soo qaban qaabisay machadka daraasaadka Siyaasada ee Heritage, waxaana uu ka jawaabay su’aalo ay weydiinayeen dadweyne kala duwan oo isugu jiray, aqoonyahano, siyaaiyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Xasan waxa ka hadlay xil ka qaadista lagu sameeyay Agaasimihii Hay’adda Nabadsugida Cabdullaahi Sanbaloolshe, wuxuuna Madaxweynuhu qabaa in xil ka qaadis lagu samayn karo Sanbaloolshe, bacdamaa horey looga xayuubiyay xilkaasi masuuliyiin isaga ka horeysay, ha yeeshee loo baahan yahay in wado sharci ah loo maro.

“Sanbaloolshe waa nin muwaadin ah xilka waa laga qaadi karaa, horey waxaa looga qaaday rag badan oo isaga ka horeeyay, laakiin xil ka qaadistiisa waxaa la rabaa in wado sharci ah loo maro.” ayuu yiri Madaxweynaha Somaliya.

Madaxweynuhu wuxuu muujiyay inaanay Dowladdiisu aqbali doonin xil ka qaadista Sanbaloolshe, iyadoo uu horey ugu tilmaamay mid ka baxsan Dastuurka u yaal dalka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com