XASAN SHEEKH oo si adag uga hadlay arrin muddooyinkaani laga sugaayay

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Somalia Xassan Sheekh Maxamuud oo ka hadlaayay Arrinta ku aadan Kufsiga ay Ciidamada AMISOM ka geysanayaan Magaalada Muqdisho, ayaa waxa uu sheegay in taasi ay tahay mid aan heshiisku aheyn.

Madaxweyne Xassan waxa uu sheegay inuusan raali ka aheyn in xad gudub lagu sameeyo Haweenka Soomaaliyeed, waxa uuna Taasi ku daray in Taliska sare ee Ciidamada AMISOM uu arrintaasi u gudbiyay islamarkaana ka dalbaday inay ka bixiyaan Jawaab degdeg ah.

“Waa arrin xanuun badan raali kama ihi in la faraxumeeyo Gabdhaha Soomaaliyeed, waxaan Jawaab degdeg ah ka sugeynaa Talisyada sare ee AMISOM inay ka bixiyaan arrintaani” ayuu yiri.

Waxa uu sheegay in Arrintaani ay tahay mid soo laabatay mar labaad waxa uuna ku Tilmaamay inay tahay mid laga yaxyaxo.

Haddalka Madaxweyne Xassan ayaa waxa uu imaanayaa, iyadoo maalmo ka hor ay Hay’ad u dooda Xuquuqda Aadamiga ka shanqarisay in Ciidamada AMISOM ay kufsi u geystaan Dumarka gargaarka iyo caafimaadka ka raadsada xarumaha AMISOM ee Magaalada muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com