“AXMED Madoobe wuxuu Kheyraadkii gobolka hadiyo usiiyay dalka KENYA’’…

Muqdisho (Caasimada Online)-Nabadoon C/llahi Isaaq oo kamid ah Nabadoonada Maamulka Jubbooyinka ayaa waxa uu sheegay in Axmed Madoobe uusan aheyn ruux u nugul ka qeybqaadashada Nabadgalyada iyo u hogaansanaanshaha awaamirta DF.

Waxa uu sheegay in Axmed Madoobe uu Jaceyl gaar u qabo Ciidamada iyo Dowlada Kenya, taasina aysan suuragal aheyn inuu hanti qaran ku raali galiyo.

‘’Axmed Madoobe weli far ayaa ku godan, waayo hantida DF iyo tan Bulshada soomaaliyeed ka dhaxeysay ayuu u hibeeyay Kenya, maalin waliba Kismaaya waxaa ka baxa maraakiib sida dhuxul iyo kheyraad kale’’

Sidoo kale, Nabadoonka waxa uu tilmaamay in Axmed Madoobe uu doonaayo inuu dhowr waji kula dhaqmo DF, waxa uuna taasi ku sheegay mid aan u cuntameynin Bulshada Soomaaliyeed.

Dhanka kale, waxa uu Dowlada Federaalka Somalia ugu baaqay inaysan qaadan hadalka afka ah ee kasoo yeeraya Axmed Madoobe, wuxuuna ku taliyay in marka hore Axmed Madoobe laga joojiyo Kheyraadka Gobolka oo uu u xalaaleynaayo Kenya

Caasimada Online

Xafiiska Kismaayo

caaimada@live.com