Xog: Somaliland oo dooneysa inay Prof Cali Khaliif Galayr wada-hadal la gasho

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaray dhanka Odayaasha Khatumo, ayaa sheegaya in Maamulka Somaliland ay xalka Deegaano ay kamid tahay Saax-dheer ku raadineyso wada hadal ay arrintaasi kala gasho Cali Khaliif.

Wararku waxa ay sheegayaan in Maamulka Somaliland ay xalka Saax-dheer u arkaan in Maamulka Khatumo ay ku yeeshaan xubno sar sare oo u kala debqaado Khatumo iyo Somaliland.

Ilo-xog-Ogaal ahayaa xaqiijinaaya in damaca Somaliland uu yahay in gabi ahaan Maamulka Khaatumo ayada la hoosgeeyo taasina laga diidan yahay, oo Galayr aanu aqbali karin.

Mid kamid ah Odayaasha Khatumo oo magaciisa ku sheegay Nuur Cabdi, ayaa waxa uu sheegay in Hamiga Somaliland uu aad u weyn yahay waxa uuna Tilmaamay in lagu xujeeyay inay kusoo biiraan Somaliland, balse dhankooda uusan u cuntameynin.

“Waxan ku guda jirnaa xalka dagaaladii ka dhacay Saax-dheer iyo sidii aan nabad ugu wada noolan laheynay Maamulka Somaliland, waxaa noo muuqaneysa in Somaliland ay ku adkeysaneyso in Khatumo la hoos geeyo,taasina nooma cuntameyso, waxa ay rabaan in Khatumo ay ku yeeshaan Xubnaha ugu badan’’

Dhawaan ayay aheyd markii Deegaanka Saax-dheer lagu rasaaseyay Siyaasiyiin iyo Odayaal u diyaar garoobaayay caleema saarka Madaxweynaha Maamulka Khatumo Cali Khaliif, waxaana ilaa iyo hadda halkaasi ka taagan Colaado salka ku haaya dagaalkaasi.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com