“XASAN Sh. saraakiisha dhimatay ayuu dalacsiin ogyahay kuwa noolna darajo ayuu siin la’ yahay”

Muqdisho (Caasimada Online) – C/raxmaan Cabdi oo kamid ah Ciidamada Militeriga DF Somalia, ayaa dhaliil adag u jeediyay Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud.

C/raxmaan, ayaa sheegay in Xassan Sheekh uu is ilowsiinaayo kaalinta Ciidamada ay ku leeyihiin xaqiijinta amaanka iyo ku shaqeynta marxalada adag.

Xassan Sheekh ayuu sheegay inuu garanaayo kaliya daacsiinta Ciidamada DF ee ku dhamaaday Qaraxyada iyo dagaalada, waxa uuna sheegay in tan iyo markii uu qabtay xilka uusan dalacsiin Ciidamada markii laga soo tago kuwa dhintay.

‘’Wakhtigiisa wax yar ayaa uga harsan ma uusan dalacsiin Ciidamada qaranka awgii u dhamaaneysa, inta aan garaad leeyahay waxa uu dalacsiinaayay kuwa dhintay waxaa dalacsiin u baahan kuwa nool oo mooraalkooda u baahan in kor loo qaado’’

Waxa uu sheegay in ahmiyadu ay tahay in la sharfo kuwa nool, bacdamaa uu yiri dalacsinta ku dhintay aysan waxba soo kordhineynin.

Wasiirka Gaashandhiga iyo Taliyayaasha Ciidamada kale ayuu ugu baaqay inay sara qaadan hamiga Ciidamada DF Somalia, waxa uuna ka digay in dalacsiintu ay ku ekaato reero gaar ah.

Haddalka C/raxmaan ayaa imaanaya xili Madaxweeyne Xassan uu dhawaan dalacsiiyay Ciidamo ka tirsanaa DF oo ku geeriyooday weerarkii lagu qaaday Xarunta BF Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com