XASAN oo ka hadlay mooshinka laga diyaariyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud, oo shalay si kedis ah ku hortagay baarlamaanka Soomaaliya ayaa si dadban kaga hadlay mooshinka ay diyaariyeen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa sheegay in mar walba marka xiligan oo kale la gaaro ay is qabtaan madaxda dowlada Soomaaliya iyo Baarlamaanka Federaalka waliba wuxuu tusaalo usoo qaatay dowladihii KMG ahaa.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in isqabqabsi, far isku fiiqid iyo in hoos laga wada guuxo ay dhacdo marka gabo gabo ay mareyso waqtiga dowlada u harsan, oo uu kala jeedo sii dhamaanshaha xiliga madaxtinimada kaga harsan.

“Marxaladaan oo kale markuu soo gaaro marwalba qalalaaso, buuq, is qabqabsi, faro isku fiiq fiiq iyo is tuhun ayaa dhici jiray. Markaan ku meel gaar maahin, dowlad rasmi ah ayaa nahay.” Ayuu yiri Madaxweynaha Somaliya.

Wuxuu sidoo kale sheegay in shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka ay wada eeganayaan waxyaabaha ay qabtaan madaxda dowlada, loona baahan yahay in hal dhinac loosoo wado jeesto oo xiligan uusan habooneyn khilaaf cusub oo yimaado.

“Waxaan Baarlamaanka hortiisa ka ballanqaadayaa wax carqalada, cilado, kala shaki iyo kalsooni daro keenayaahi inaanay dhaceynin. Ka Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahaan wixii dadka isu haanayo, isu keenaayo, xanafta ka ilaalinaayo, ciladaha in la kormariyo ka ilaalinaayo. Waxaan jecelnahay guulaha in la kormariyo marwalbo, oo aanan la kormarinin wixii noo qabsoomi waayo, oo aan kor loo soo qaadin, ee wixii noo qabsoomay kor inta loo soo qaado tamar aan ka qaadano, kana qaadano tamar waxa noo dhiman aan ku qaban lahayn, haddii Alle yiraahdo.” Ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Dhankiisa ayuu sheegay ineysan ka imaan doonin waxyaabo dhalin kara kala aragti duwaanaansho iyo kala tag hor leh, uuna ku dadaali doono sidii midnimada ummada looga shaqeyn lahaa.

Xildhibaanada baarlamaanka qaarkood ayaa diyaariyay mooshin ka dhan ah madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh maxamuud, waxaana xildhibaanada saxiixay ay gaarayaan 139 Xildhibaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com