DF oo war cad kasoo saartay arrinta BADDA iyo heshiiska ay Kenya sheegtay in la gaaray (Aqri)

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa jawaab ka bixisay warkii shalay ay qortay Caasimada Online ee wasiirka arrimaha dibedda Kenya ay ku sheegtay inay Somalia la gaareen heshiis dhigaya inay arrinta badda lagu dhameeyo maxkamad la’aan.

Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa lagu yiri sidan:-

Maalmihii ugu dambeeyay , warar ay warbaahintu faafisay oo tilmaamayay in Kenya iyo Somalia ay ku heshiiyeen in ay kala gar-qaataan ,iyadoo aan la marin Maxkamadda sare ee Qaramada Midoobey ,taasi oo macnaheedu yahay in labada dal ay ku kala baxaan Maxkamad la’aan.

Soomaaliya waxa ay cadeyneysaa , inay weli ku adkeysaneyso, ayna ka go’antahay kiiska Sharciga iyo dacwada ee Maxkamadda Cadaaladda Caalamiga ee Hague, iyadoo la raacayo heshiiska Qaramada Midoobey ee Qaanuunka badaha (UNCLOS).

Maalgelinta caalamiga , barwaaqada iyo kobaca dhaqaale ee Soomaaliya iyo dalalka deriska ah waxa uu ku imaan karaa iyadoo la xaliyo arrinkan , waxaanan u taagannahay ,kuna adkeysaneynaa kiiska sharciga ah ee aan hore u gudbinay.

Soomaaliya waxa ay rumeysan tahay wadahadal cad iyo iskaashiga ay la leedahay wadamada deriska ah, waxaana weli furan soojeedinnada iyo hindisiyaasha si loo gaaro xal dhameystiran oo lagu qanacsan yahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com