Shuruudaha iyo dhaqaalaha looga baahan yahay musharixiinta GALMUDUG oo la shaaciyay (Aqri)

Cadaado (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Cadaado, ayaa sheegaya in Guddiga Doorashooyinka Maamulka Galmudug ay soo bandhigeen Shuruudaha looga baahan yahay Musharixiinta u taagan qabashada Madaxweyninimada Maamulka Galmudug.

Farxiya Xasan Cali oo kamid ah Guddiga doorashooyinka ayaa goordhow shaaciyay shuruudo ay ka mid yihiin in Musharaxa uu Aqoon ahaan ka sarreeyo Dugsi Sare, 5 Sano oo Qibrad ah, inuu bixiyo haddii uu Madaxweyne u tartamayo $10,000 Doollar, haddii uu u tartamayo Madaxweyne ku-xigeenna waxaa laga qaadayaa $7,000 Doollar.

Waxa uu sheegay in guddiga ilaa hadda ay u diiwan gishan yihiin ilaa 8 Musharax oo 5 kamid ah ay u taagan yihiin Xilka Madaxweynaha halka 3 ay u taaganyihiin Madaxweyne ku-xigeenka.

Dhanka kale, Guddiga waxa uu sheegay in heer gabogabo uu ku dhow yahay wakhtiga ay qabanayeen arjiga shaqsiyaadka haarsana looga baahan yahay inay ka faa’iideystaan Wakhtiga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com