SHIRKII Dhuusamareeb oo maanta lagu doortay MADAXWEYNE CUSUB iyo rasaas laga maqlayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Ahlusunna Wal-jameeca ayaa Magaalada Dhuusamareeb uga dhawaaqay Madaxweynaha uu yeela doono Maamulkii ay gogoshiisu tiilay Dhuusamareeb.

Madaxweynaha ayaa waxaa loo doortay Sheekh Maxamed Shaakir oo horay u ahaan jiray Gudoomiyaha golaha fulinta Ahlusunna Wal-jamaaca.

Doorashada oo ku dhacday wakhti gaaban gudaheeda ayaa waxaa ku tartamayay Sheekh Maxamed Shaakir, Wasiirkii arrimaha gudaha Ximan iyo Xeeb, Maxamed Xaaji Xuseen iyo Afhayeenkii Maamulkaasi Careys Maxamed Xaaji, waxaana sidaa ku guuleystay Maxamed Shaakir.

Maamulkaan cusub oo loogu magacdaray Maamulka gobolada dhexe ayaa waxa ay Ahlusunna sheegtay in uu ka kooban yahay Hiiraan ,Galgaduud iyo Mudug.

Ergo gaaraysa 313 ayaa ku sugneyd hoolka Villa Barwaaqo ee Magaalada Dhuusamareeb ee maanta Madaxweynaha loogu doortay Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Doorashada Madaxweynaha kadib, waxaa Magaalada laga maqlay rasaas ay ridayeen ciidanka Ahlu Sunna oo u dabaal dagaayay doorashadaasi ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb.

Arrintaani waxa ay kusoo beegantay iyadoo Magaalada Cadaado lagu dhameystirayo Maamulka Galmudug, oo lasoo dhameystiray Barlamankiisa, toddobaadka dambana lagu dooranayo Madaxweynaha Maamulka Galmudug.

Dhanka kale, doorashadaani lagu dhoodhoobay Magaallada Dhuusamareb ayaa laga yaaba inuu ka dhasho caqabad hor leh oo u dhexeysa DF Somalia iyo Ahlusunna.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com