DHAGEYSO Gaas: Waxaa ballan ah in xuduudda Puntland aan ka dhigo Godinlaba iyo GURICEEL

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa hadal ka jeediyay munaasabad lagu xusayay maalintii ay xuroobeen gobolada koofureed ee dalka Soomaaliya ayna midoobeen waqooyi iyo  Koofur.

Wuxuu qudbadiisa si gaar ah kaga hadlay arimaha maamulka loo sameynayo gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya ee GALMUDUG oo maamulkiisa si adag kaga soo horjeedo.

C/welli Maxamed Cali Gaas, wuxuu soo hadal qaaday qodobadii ay ansixiyeen odayaasha gobolada dhexe ee Dastuurka Galmudug kaasi oo qodob ka mid ah uu dhigayo in xuduuda Galmudug tahay gobolka Nugaal.

C/welli Gaas, wuxuu sheegay in haddii runta loo hadlayo xuduuda maamulka Puntland ee gobolada dhexe ee dalka tahay magaalooyinka Godinlabe iyo magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Xuduudaha maamulka Puntland ayuu sheegay iney yihiin kuwo aanan lagu soo xad gudbi karin, ayna ugu baaqayaan dowlada Soomaaliya iney joojiso colaado uu shegay iney hurineyso.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
Caasimada@live.com