Xasan Sheekh dabagal ‘kuma sameyn doono’ saraakiisha ciidanka ee loo haysto inay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Shantii sano ee uu dalka hogaaminayey madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ciidamada dowladda waxay si aad ah ugu milmeen siyaasadda, ayaga oo gaystay falal ay ka mid yihiin dilal, siyaasiyiin la weeraray, kuwo xayiraado la saaray iyo ficillo kale.

Waxyaabaha aadka looga filayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa ka mid ah inuu isbeddel ku sameeyo, oo uu nadiifiyo ciidanka, balse taxliiliyeyaasha siyaasadda qaarkood ayaa qaba inaysan taasi dhici dooni.

Samiira Qeyd oo ka faaloota amniga gobolka ayaa BBC u sheegtay in madaxweyna cusub uusan wax dabagal ah ku sameyn dooniin saraakiishii ciidamada ee la sheegay in siyaasadda ay ku dhex milmeen.

“Uma maleynayo in ciidamada wax laga qaadi doono, madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu khudbaddiisa ku sheegay aarsi ma jiri doono, waxyaabo dabaglkooda muhiim ma ahan, hadda waxaa loo baahan yahay in la isku keeno dadkii kala tegay marka hore waa in soo dhiso xukuumaddiisa markaas baa taliyeyaasha wax laga baddali karaa,” ayey tiri Samiira

Waxay intaas ku dartay in taliyeyaasha ciidamada aanan dusha laga saari karin wax eed ah maadama ay qaateen amarka madaxdooda.

“Taliyeyaashii hore uma maleyn maayo in eeda dusha laga saari karo, waxay ahaayeen ciidan amar la siiyay oo qaatay amarkii madaxdooda, ma umaleynayo in dabogal dheeraad ah lagu sameyn doono ciidamadii siyaasadda ku milmay waa in ciidamada isbaddal lagu sameeyo, xuquuqdana la dhowraa.

“Madaxweynaha la doortay qofka uu soo magacaabo waxay ku xiran tahay madaxweynaha dhaqankiisa hadduu isaga ciidanka u isticmaalo in uu Shabaab kula dagaallamo in uu waddanka ku xoreeyo ama in dib u habeyn lagu sameeyo ciidamada, isaga dhaqankiisa ayaa laga arki doonaa laakiin hadduu ciidamada u isticmaalo siyaasadda dhaqankiisana haddii ay sidaas noqoto, waa suurtagal qofka la magacaabo in uu qaato amarka madaxda magacaawday,” ayay tiri Samiira. 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo horey uga hadlay arrimaha ciidanka ayaa sheegay in ciidamada qaar aysan lahayn sharci ay ku dhisanyihiin iyo waxyaabo kala xadeeya, loona baahanyahay dib u habayn badan.

Qeybo badan oo kamid ah deegaannada dalka waxaa gacanta ku haya ururka Al-Shabaab, mar kasta waxaa weeraro iyo qaraxyo ay geystaan Shabaab. dalka waxaa ku sugan ciidamada howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS kuwaas oo ilaaliya goobaha muhiimka ee dowladda, sida Tendhaha Afisyoone oo ay doorashada ka dhacday.

Samiira Qeyd waxay qabtaa in shaqada ugu culus ee hortaalla madaxweynaha ay tahay dib u habeynta ciidamada.

“Dib u habeynta ciidamada oo muddo labo sano aan wax laga qaban, waa in uu dib u habeyntii bilaabo si uu kooxdii joogtay uu kala kaashado wixii la qabtay oo uu ogaado wixii laga qaban laha..waxaan u maleynayaa in dib u habeynta ciidamada ay tahay shaqada ugu culus ee hortaalla madaxweynaha cusub”