Maxaa looga hadlay kulankii madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdiga Mareykanka?

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa goordhoweyd shaacisay kulan xasaasi ah oo magaalada Muqdisho ku dhex-maray Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo taliyahooda Generaal Stephen Townsend.

Kulanka labada masuul ayaa waxaa looga wada-hadlay wada-shaqeynta AFRICOM iyo gacan siinta Ciidamada Xooga dalka, si loo gaaro mustaqabal nabad iyo amaan ah.

Qoraalka ay soo saartay AFRICOM ayaa waxa lagu sheegay in General Stephen uu ugu hambalyeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Shacabka Soomaaliyeed, jawi wananaga ay kusoo dhamaatay doorashada dalka.

“21-kii May, General Stephen Townsend ayaa u hambalyeeyay Xasan Sheekh Maxamuud iyo shacabka Soomaaliyeed sida wanaagsan ee ay ugu soo dhamaadeen doorashada Soomaaliya. Labada dhinac ayaa ka wada-hadlay sidii AFRICOM ay ula shaqeyn lahayd Ciidamada Xooga Dalka, si loo gaaro mustaqbal nabad iyo ammaan ah oo ay mudan yihiin muwaadiniinta Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Labada masuul ayaa sidoo kale waxa ku wehlinayay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, wuxuuna dhacay kulankaan maalintii Sabtidii ee shalay aheyd, sida lagu sheegay qoraalka AFRICOM, mana jirin wax war ah oo kasoo baxay xafiiska Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ku dhawaad toddobaad ka hor saxiixay amar boqolaal askari oo Mareykan ah dib ugu celinaya Soomaaliya, si ay uga hortagaan kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya.

Saraakiisha militariga Mareykanka ayaa horey u sheegay in la-dagaalankii Al-Shabaab ay wiiqday go’aankii madaxweynihii hore Donald Trump uu ciidamada Mareykanka uga soo saaray Soomaaliya.

Ciidamada Mareykanka ayaa laga soo qaadi doonaa qeybo kale oo ka mid ah Afrika si ay tababaro iyo taageero u siiyaan ciidamada Soomaaliya ee dagaalka kula jira Al-Shabaab, oo loo arko ururka ugu weyn uguna hodansan ee xiriirka la leh Al-Qacida.

Go’aankan ayaa looga dan leeyahay “in lagu kordhiyo badqabka iyo wax ku oolnimada ciidamadeena, loona suurta-geliyo inay taageero wax ku ool ah siiyaan saaxibadeena,” waxaa sidaas tiri afhayeenka Golaha Amniga Qaranka Mareykanka Adrienne Watson oo ku dhowaaqday go’aankan.