Xasan Sheekh iyo Cosoble oo ku midoobay 3 arrin oo ka dhan ah dowladda

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia kulamo kala duwan kawada Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynihii hore ayaa ku howlan qorshooyin lagu kasbanaayo Xildhibaanada baarlamaanka Somalia iyo dhinacyada mucaaradka oo ay kamid yihiin Xisbiyada Siyaasada.

Xildhibaanada uu sida weyn u kaashto Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa kamid ah Xildhibaan Cabdulkhaadir Cosoble oo kamid ah mudanayaasha miisaanka ku dhex leh baarlamaanka.

Cosoble oo kulamo kala duwan ay wada qaaten Xasan Sheekh ayaa tilmaamay inuu aad usoo dhaweynayo talaabooyinka lagu doonayo isbedelada Siyaasadeed.

Cosoble ayaa inta uu kulamada la qaadanayay Xasan Sheekh u sheegay inuu kala mideysan yahay Seddex qodob oo kala ah:

1-In dalka uu yeesho Xisbi mucaarad oo ay ku mideysan yihiin dhammaan dhinacyada Siyaasada ee isbedel doonka sida Mucaaradka.

2-In la mideeyo aragtida dhinacyada isbedel doonka iyadoo laga duulaayo baahiyaha uu dalka u qabo isbedel dhab ah iyo in la helo Hogaamiye samata bixinkara dalka iyo dadka.

3-In laga gaashaanto xili hore in wakhti kororsi ay ku dhaqaaqan madaxda dalka oo iminka ay u harsan tahay labo sano iyo bilo.

Cosoble waxaa la xaqiijiyay in Xasan Sheekh Maxamuud uu ku taageeray Seddexda qodob oo koobeysa dhamaan isbedelka iyo Siyaasadaha hadafka leh.

Xildhibaan Abdulkhadir Cosoble, oo kamid ah mudanayaasha mucaaradka ayaa qeyb ka ah dhinacyada ololaha ugu jira sameynta ururo Siyaasadeed oo suuragalin kara in looga gudbo diyaar garowga doorashooyinka soo socda.

Sidoo kale, Cosoble, ayaa Xasan Sheekh Maxamuud ku dhiiragaliyay inuu mideeyo Siyaasada dhinacyada kasoo horjeeda dowlada, si buu yiri loo helo jawi degan oo lagu gaari karo hadafka.

Si kastaba ha ahaatee, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu wadaa in maalmaha nagu soo aadan uu booqasho ku gaaro caasimadaha seddex maamul Goboleed, isagoo ka faa’iideysanaaya xiisada maamulada kala dhexeysa Dowlada Dhexe.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com