Wararkii ugu dambeeyey mooshinka Galmudug iyo Casir oo cadaado tegaya

Cadaado (Caasimadda Online)– Wararka naga soo gaaraya magaalada Cadaado  ee gobolka Galgaduud, ayaa sheegaya iney halkaasi ka socoto qaban qaabada soo dhaweyn loo sameynayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug.

Cali Gacal Casir iyo Xildhibaano la socda, ayaa ka duulaya garoonka Muqdisho, iyadoo ujeedka socdaalkooda ay la xiriirto sidii Beesha degta Cadaado looga tashan lahaa Mooshinka ka yaalo Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Galmudug.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug Cali Gacal Casir iyo xunaha Xildhibaanada ah ee la socda ayaa Cadaado u tagaya sidii Waxgaradka Galmudug ay ugala hadli lahaayeen Mooshinka ka dhanka Guddoomiye Cali Gacal Casir oo ay wadaan qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Galmudug oo ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud.

Magaalada Cadaado ayaa laga dareemayaa qaban qaabada lagu soo dhaweeynayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir,waxaana ka qeyb qaadanaya soo dhaweyntiisa maamulka Galmudug ,Waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan Magaalada Cadaado.

Warar kale waxey sheegeen in Gudoomiyaha baarlamaanka Galmudug, dhankiisa isagana uu ku dhawaaqi doono mooshin ka dhan ah Madaxweyne Axmed Ducaale Geele (Xaaf).

Xildhibaanada mooshinka gudbiyayna shalayba waxey dood galiyeen mooshinka, waxaana kulankii shalay Gudoomiyay Xareed Cali Xareed oo gudoomiye kuixgeen u ah Cali Gacal Casir.

Caasimada Online

Xafiiska Cadaado

Caasimada@live.com