Ciidamo Muqdisho ka wada HOWLGAL nooc cusub ah

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa adkeysay ammaanka guud ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan waddooyinka waaweyn ee magaalada.

Saakay waxaa la arkayaa ciidamo badan oo nooc cusub oo booliis ah kuwaasi oo baaritaanno ku sameynaya gaadiidka isticmaalaya waddooyinka Muqdisho.

Waxay ciidamada kala joogaan baro aan kala fogeyn, waxaana ay baarayaan gaadiidka nooca loo yaqaan kuwa raaxada ah.

Waxaan la baareyn gaadiidka Hoomeyda iyo sidoo kale Mooto bajaajta, balse waxaa durba bilowday ciriiri aad u badan oo dhanka waddooyinka ah.

Wadada Makka Al-mukarrama ayaa maanta waxaa ka jira ciriir aad u badan, iyadoo weli saraakiisha ammaanka aanay ka hadlin howlgalladan.

Tani ayaa imaaneysa xilli maalmihii ugu dambeeyey ay magaalada Muqdisho ka dhaceen falal amni darro ah.

Sidoo kale arrintaan ayaa kusoo aadeyso xilli dhawaan uu madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare sheegay in ammaanka Muqdisho  uu yahay mid faraha ka baxay oo ay dowlada federalkana maamulin dhamaan magaalada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com