Yuusuf Garaad oo ka digay arrin khilaafka maamullada iyo DF ka dhallan doonto

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa ka digay in khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul Goboleedyada uu keeni karo dib u dhac ku yimaada dowladnimada.

Wuxuu sheegay inan loo baahneyn is-afgaranwaaga ka dhex jira dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada inuu heerka uu xilligan gaaray sare u dhafo, isagoo soo jeediyey in xaaladda lagu wajaho dulqaad iyo deganaan dan ugu jirto dowladnimada.

Kala-shakiga iyo is-af-garan-waaga Federaalka iyo Dowlad Goboleedyadu wuxuu dib-u-dhac u keeni karaa Dowladnimadeenna, mana ahan in uu heerkaan kor u sii dhaafo.

Waa lama huraan in dhinac kastaa uu arrinta ku wajaho maskax fayow, deggan, dulqaad leh, xal-doon ah oo u tureysa Dowladnimada Soomaaliya.

Waxaa iska soo daba dhacaya baaqyada iyo digniinta laga soo saarayo khilaafka ka dhex oogan madaxda dowlad Goboleedyada iyo Federaalka, kadib shirkii Kismaayo oo ay shan maamul Goboleed ay sheegeen inay hakiyeen xiriirka ay la leeyihiin dowladda federaalka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com