Ciidamada Kenya oo dilay macallin dugsi qur’aan iyo ardaydiisa (Faah-faahin)

Ceel-Waaq (Caasimadda Online)  – Ciidamada Kenya ayaa markale dad shacab ah ku Xasuuqay deegaan dhaca xuduudda ay Soomaaliya la wadaagto Kenya.

Dhacdadaan xanuunka badan ayaa waxaa ay ka dhacday deegaanka Dabaasati oo hoos yimaada degmada Ceel-waaq iyadoona dadka Soomaalida ah ee ku dhaqan deegaankasi ay siweyn uga xanuunsadeen falkaasi oo ay geysteen Ciidanka  Kenya.

Dadka ay dileen Ciidamada Kenya ayaa isagu jiray Macallin Dugsi Qur’aan  iyo laba wiil oo ardaydiisa ka mid ahaa kuwaasi oo si wada jir ah u dileen melleteriga Kenya.

Macalimka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Saadaam Macalim Aways  halka labada wiil ee lala dilay oo walaallo ahaa lagu kala magacaabi jiray Cali Ibraahim Xasan iyo  Siyaad Ibraahim Xasan.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in ka hor inta aysan Ciidamada Kenya dilin, wiilasha walaallaha ahaa ay jir dil xooggan u geysteen, ka dibna ay Rasaas la dhaceen, taasoo ugu danbeentii u geeryoodeen Rasaastaasi.

Meydadka Macalimka, iyo wiilasha ayaa Meydadkooda loosoo qaaday degmada Ceel-waaq ee ka tirsan gobolka Gedo

illaa iyo hadda ma cadda sababta ay Ciidamada Kenya ay  u dileen dadkaasi iyadoona arrintaani ay cabsi iyo walaac ku abuurtay dadka ku dhaqan deegaannada la heysto ee gobolka N.F.D.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com