Xildhibaano baarlamanka Galmudug ka tirsan oo xilka ka qaaday gudoomiye Casir

Dhuuso-mareeb (Caasimada Online) – Qeyb ka tirsan baarlamaanka Galmudug oo fadhigoodu ahaa Dhuusamareeb ayaa maanta xil ka qaadis ku sameeyey guddoomiye Cali Gacal Casir.

Doodda mooshinka looga qaadayo oo ilaa shalay socotay waxaa soo xaadiray 147, codeynta dhacday waxaa in Cali Gacal Casir la tuuro ogolaatay 146, hal Xildhibaan ayaa aamusay.

Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed ayaa warbaahinta u sheegay in 146 Xildhibaan ay isku raaceen xil ka qaadista Guddoomiye Cali Gacal, halka hal Xildhibaan uu ka aamusay.

Tirada uu hadda u taagan yahay baarlamaanka Galmudug waa isku darka: 89 ka timid baarlamaankii Galmudug iyo 106 ka imaaneysa maamulka Ahlu-sunna, iyada oo tirada guud noqotay 195 Xildhibaan. Dood dheer oo lagu kala tagay ayaa halkaas ka jirtay.

Go’aanka qeyb ka tirsan baarlamaanka Galmudug oo weliba fadhiyey magaalo aan fadhigooda rasmiga aheyn ay shaqada uga joojiyeen guddoomiye Cali Casir waxaa ay soo afjareysaa dadaallo dhex-dhexaadin ah oo ay wadeen aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanno ka tirsan Galmudug ayaa sidoo kale ku sugan magaalada Cadaado halkaas oo baarlamaanka xarun ah sida ku xusan heshiiskii Djibouti, taas oo keeni karta in fasiraad badan laga bixiyo sababta xilka looga qaadey guuddoomiyaha goob aan baarlamaanka fadhigiisu aheyn.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com