Guddoomiyihii xilka laga qaaday ee GALMUDUG oo JAWAAB cad soo saaray

Cadaado (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha “xilka laga qaaday” ee baarlamaanka Galmudug, Cali Gacal Casir ayaa gaashaanka ku dhuftay in ay xildhibaanno ka qaadeen xilkiisa.

Isagoo BBC la hadlayey ayuu Cali Gacal yiri “Xildhibaanno la aqoonsan yahay ma aha waa fowdo, dad shacab ah ayaa meesha lagu soo uruuriyey, aad ayaana uga xumahay, xildhibaannadii dhabta ahaa ee reer Galmudugna way joogaan”.

Dadka uusan aqoonsanayn ee uu sheegay in ay codeeyeen ayuu Cali Gacal Casir ku tilmaamay “raggii aan lagu heshiinin ee sad bursiga ahaa ee la qorayey waayadii dhoweyd ee ka tirsanaa Ahlusunna, ee loogu tala agalay in Galmudug lagu biiriyo, mana la isku afgaran, sababtoo ah khaladaad aad u badan ayaa jiray, lamana aqoonsan. Marka waa raggaas iyo shacab la isku soo daray” ayuu yiri Cali Gacal casir.

Mar uu ka hadlayey hadalka uu sheegay guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Galmudug ee ah in kursiga guddoomiyaha Baarlamaanka loo tartami doono ayuu Cali Gacal yiri “hadaan sharciga la ilaalinayn cid walba waxay rabto ayey samayn kartaa, waxa soconaya jawaabtooda waa la bixin doonaa, xildhibaannada Galmudug ayaana ka jawaabi doona” ayuu ku gaabsaday.

Hadalka Cali Gacal ayaa yimid markii uu maanta guddoomiye ku xigeenka 1aad ee baarlamaanka Galmudug, Xareed Cali Xareed, uu ku dhawaaqay in “146 xildhibaan oo ka mid ah 147 xildhibaan oo codeeyey ay xilka ka qaadeen guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug, sida darteedna loo tartami doono jagadaas”.

Maamulka Galmudug ayaa u muuqda inuu qas siyaasadeed oo xagga hogaanka ah lugaha la galay, kaasoo si muuqata dibadda ugu soo baxay wixii ka dambeeyey markii ay madaxda maamul goboleedyada ku dhawaaqeen inay xiriirka u jareen dawladda federaalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com