Xasan Sheekh ma beddeli doonaa dhaqankii lagu keeni jiray ra’iisul wasaarayaasha?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafladda caleema saarka madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inay dhacdo horraanta bisha soo aadan ee June, halkaas oo la filayo inay kasoo muuqdaan madax heer caalami ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo markii labaad xafiiska jooga waxa ugu weyn ee laga sugayo 20-ka cishe ee soo aadan waa qofka uu u magacaabi doono xilka Ra’iisul Wasaaraha.

In ka badan 20 qof oo isugu jiro xubno siyaasad ahaan la yaqaano iyo dad cusub ayaa eryana kursigaan, dadkaa raadinaya kursigaan waxaa ugu miisaan culus hoggaamiyaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni kaas oo si dadban iyo si toos ah qeyb ugu lahaa guushii uu Xasan Sheekh kasoo hooyey doorashadii dhacday 15-kii May.

Wararka Villa Somalia ka imaanaya waxay sheegayaan inay jiraan xubno madaxweynaha ku dhow dhow oo baqdin ka tusaya magacaabista Saciid Deni, kuwaas oo iibinaya in haddii Saciid Deni la magacaabo inuu khilaaf hareyn doono nidaamka cusub.

Xubnahaan qaar waxay wadaan dad kale oo ay kursiga u rabaan waxayna aaminsan yihiin in haddii Deni laga tiro Xasan Sheekh inay wax u heli karaan xubnaha ay wadaan. Madaxweyne Xasan Sheekh waqtigiisii hore wuxuu magacaabay saddex ra’iisul wasaare.

Madaxdii dalka ka talineysay 12-kii sano ee lasoo dhaafay waxay sheegaan in ra’iisul wasaarayaasha ay magacabeen ay ahaayeen kuwa ay saaxiibadooda u keeneyn taas oo dhashay is faham la’aan.

Waxaa jira dad badan oo siyaasiyiin Soomaaliyeed ah oo aaminsan in shaqsiyaadka madaxda loo keeno ee ra’iisul wasaarayaasha laga dhigo inay caqabad ku tahay is-fahamka iyo wada-shaqeynta hoggaanka sare.

Talooyinka loo jeedinayo madaxweyne Xasan Sheekh waxaa kamid ah inuu markaan raadsado qof uu garanayo oo shaqada yaqaana, oo ay aragti ahaana wada-shaqeyn karaan.

Inkastoo khilaafka madaxda sare ee Soomaaliya ay badi duruufaha iyo dastuurku dhalaan, haddana aqoon la’aanta ka dhaxeysa labada hoggaamiye ee ugu sareysa laanta fulinta iyaduna qeyb ayey ka tahay ubucda khilaafka joogtada ah ayey leeyihiin dadka ka faalooda siyaasadda Soomaaliya.

Guuxa gudaha siyaasiyiinta wuxuu sheegayaa in Xasan Sheekh uu markaan ka fakarayo qof uu si fiican u yaqaano oo ay wada-shaqeyn karaan, qaar ayaase ka digaya in mowduucaasi dhalo qof dhallinyaro ah oo aan jihada siyaasadda aqoonin oo uu Xasan rabo inuu sida shaqaale ugu isticmaalo booskaan oo mar Soomaaliyeysan marna beeleysan .

Iyadoo uusan madaxweynuhu eegin qof uu siyaasad ahaan yeelan karo dhinaca kalana uu ka foggaanayo qof loo keenay, Xasan Sheekh wuxuu dalka u door bidi karaa qof ay is fahmi karaan, caqabadaha dalkana fahmi kara ayey ku doodayaan siyaasiyiinta uu laxowga badan ka hayo in nidaamkaan cusub guuleysto.