Xasan Sheekh oo farriin culus oo la xiriirta damaca Itoobiya u diray Muuse Biixi

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta khudbad ka jeediyey masjidka madaxtooyada salaadii Jimcaha kadib, ayaa ka hadlay heshiiska Somaliland ay la gashay Itoobiya, isagoo taabtay dhinacyo kala duwan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Somaliland ay si cad u bixisay dhul Soomaaliyeed, “wax kale oo taas ka sokeeya meesha ma yaalaan, heshiis, is-afgarad ama dhul la kireeyey meesha ma yaalaan, waxaa meesha taalla dhul la bixiyey,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Maxaxweynaha ayaa u mahad celiyey dadka ku nool waqooyiga Soomaaliya oo si joogto ah ula soo xiriira, una cadeeyey in waxa dhacay aysan raali ka aheyn, dadka kale ee Soomaaliyeed oo sameeyey banaanbaxyo waaweyn oo xadgudubka Itoobiya ay kaga soo horjeedaan.

“Dhulka Soomaaliya cid bixi karta ma jirto, xitaa in laga wadahadlo ayaa dembi ah, ma bixi doono dhulkaas, cid qaada kartana ma jirto,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Sidoo kale Xasan Sheekh ayaa farriin u diray dowladda Itoobiya, “Itoobiya inaan deris noqono ma aanaan dooran, waxaa dalkaan qaada weyseen Soomaaliya oo intaan ka taag-daran, gumeyste heysto ama burbursan, macaamil kale la imaada, sidaan bad kuma heleyso Itoobiya,” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa shaaciyey qodob la yaab leh oo ku jira heshiiska Biixi iyo Abiy, kaas oo dhigaya in Somaliland ay badda ku bedelatay saami looga balanqaaday shirkadda Ethiopian Airlines, “Shirkad burbureysa miyaa dhul lagu bedelan karaa? Deriskeena Itoobiya waxaan leeyahay Muuse Biixi dhul idinma sii karo,” Ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa Itoobiya si cad ugu sheegay in wadada ay hayaan uusan waqti dambe uga lumin “dhulkaan lama bixi karo waxaan horaad ugu hungowdeen ee derisnimada ilaaliya,” ayuu yiri.

Sidoo kale Xasan Sheekh ayaa Muuse Biixi u sheegay in Itoobiya aysan aqoonsa karin, “xitaa haday ku aqoonsadaan waxaba idiinma gasho, taariikh xun haku gelin arrintaan oo dhulka hana dhaafin,” ayuu yiri.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in dhulka Soomaali Galbeed uu ku baxay damac iyo sandareerto yar oo la siiyey dad Soomaaliyeed, “kuwo Soomaali ah oo aan talo fiicneyn ayaa xiligaas talo ku lahaa in dhulkaasi baxo,” ayuu yiri Madaweynuhu.