31.9 C
Mogadishu
Sunday, May 3, 2026

Xasan Sheekh oo is fadeexeeyay dowladiisuna…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud ayaa si qoto dheer uga hadlay Musuq-maasuqa ka dhextaagan Xarumaha Dowada.

Xassan Sheekh waxa uu sheegay in Dowladaha Caalamka ay mar waliba Dowlada Somalia ku dhaliilaan inay musuqa hormuud u tahay Somalia, balse aysan taasi beenineynin.

Waxa uu Xassan Sheekh tilmaamay in Dowladu ay ku dhex milan yihiin dad dabciyo kala duwan leh, kuwaasi oo qaarkood u xuub siibanaaya Musuqa, halka qaarna ay yihiin kuwo ay daacadi ku jirto, waxa uuna farta ku goday in Musuqa uu yahay mid kusii baahaaya Somalia, balse ay Dowladu dhowr jeer ku fashilantay wax ka qabashada Musuqa taagan.

Madaxweyne Xassan waxa uu sheegay in Caalamka ay qudhiisa ku eedeeyen in gacanta uu kula jiro musuq aan xadidneyn, hayeeshee uu diyaar u yahay in baaritaan lagu sameeyo haddii lagu helo cadeyna uu qaadanaayo eeda loo jeediyay.

Waxa uu si dadban u tilmaamay in suuragal ay tahay in Musuqa uu saameyn ku yeeshay ilaa Madaxtooyada ilaa xarunta ugu yar oo hoos imaada Dowlada, taasina ay tahay mid ka hortagideeda u baahan wakhti dheer goor sii horeysayna ay ku fashilmeen inay wax ka bedelaan.

Haddalka madaxweyne Xassan waxa uu imaanayaa iyada oo Dowladaha saaxiibada la ah Somalia intooda badan ay dhowr jeer soo saaren warbixino lagu xaqiijinaayo in Xassan Sheekh uu lunsado dhaqaalaha deeq ahaan loo siiyo Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News