25.3 C
Mogadishu
Tuesday, February 10, 2026

Yaa ku guuleystay Doorashada Dalka Ugandha?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweyne Yoweri Kaguta Museveni ayaa markii shanaad ku guulaystay xilka Madaxweyninimo ee dalka Uganda.

Gudiga doorashooyinka Qaranka Ugandha ayaa shaaciyay in Museveni uu helay 5,617,503 oo cod oo udhiganta 60.7% tirada codadkii guud ee la dhiibtay halka Hogaamiyaha mucaaradku Dr.Kizaa Besigye uu helay 3,270,290 cod oo u dhiganta 35.37% tirada guud ee codadkii la dhiibtay.

Midiwga Yurub ayaa canbaareeyey doorashadii Uganda waxaana ay ku tilmaameen mid rabshado wadata islamarkaana warbaahinta afka la qabtey, iyada oo jawigu ahaa mid cabsi iyo cago jugleyn ah.

Geesta kale, Yoweri Museveni ayaa dalka Uganda ka soo talinayey tan iyo sanadkii 1986, xiligaas oo uu qabsadey isaga oo Jabhad ah, waxaana doorashada maanta ay u tahay in uu soo dheereysto mudada sodonka sano ah ee uu dalkiisa ka soo talinaayey.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News