Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah waxgaradka Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan ayaa eedeyn culus u jeediyay dowlada federaalka Soomaaliya oo kasii jeesatay maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
Nabadoonada kasoo jeeda goboladaasi ayaa sheegay in dowladda Xasan Sheekh ay sii kala fogeysay dadka shacabka ah iyo beelaha wada daga labada gobolka kuwaasi oo aan ku qancin qaabka wasaarada arimaha gudaha u qeybisay ergoonka.
Ciise Cabdulle Cadaan, oo kamid ah nabadoonada kasoo jeeda Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya uu bil ka hor ka furay magaalada Jowhar shirka, balse waxii xiligaasi ka dambeeyay aysan jirin wax isbedel ah oo magaalada laga dareemay.
Inbadan wuxuu sheegay iney kusoo noolaayeen dowlad la’aan balse haatan oo dowlad Soomaaliyeed ay jirto ay u muuqato in lasii kala fogeynayo shacabka muddada deri wanaaga ku dhaqamayay.
Waxgarad kasoo jeeda beesha Xawaadle iyo beelo kale ayaa dega labada gobol ayaa waxay si cad kaga tageen magaalada Jowhar markii ay ka caroodeen qaabka ergooyinka loo qeybiyay.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]