Xasan Sheekh oo ka degay New York iyo qorshaha safarkiisa oo la shaaciyey

New York (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa ku qabanaysa Xarunta Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey shir ku saabsan amniga Soomaaliya, dib u dhiska Ciidamada iyo howlgallada Xoreynta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhaweyn soo gaaray magaalada New York ee dalka Maraykanka si uu u guddoomiyo Shirkan.

Shirkan waxaa ka soo qeyb-galaya 26 dal, Qaramada Midoobey, Jaamacadda Carabta, Midowga Yurub iyo kan Afrika, waxaana lagu hadlayaa ajandeyaashan;

1- Horumarka iyo Caqabadaha ka jira Laamaha Amniga Soomaaliya.

2-Qorshaha Horumarinta Amniga Soomaaliya.

3-Taageerada Caalamiga ah ee Soomaaliya ee Amniga iyo Horumarka.

Dowladda ayaa dhawaan laga qaaday cunaqabateentii hubka, waxaana soo socda guulo kale oo waaweyn oo deyn cafinta ay ku jirto.

Sanadkaan inta uusan dhamaan waxaa lagu wadaa in Soomaaliya uu caalamku ka cafiyo deymihii uu ku yeeshay waayihii burburka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa markii uu ka qeyb galo shirkaan looga hadlayo amniga Soomaaliya ee New York ka dhacaya ayaa sidoo kale ka qeyb geli doona shirka deyn cafinta Soomaaliya.