XASAN Sheekh oo ka digay arrin uu damacsan yahay Maxamed C/llaahi Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka hadlay walka walka laga qabo in madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uusan doonayn in uu xilka ku wareejiyo si nabad ah.

Xasan Sheekh oo la hadlayay Bogga Hanoolaato ayaa sheegay in beesha Caalamka, mucaaradka iyo shacabka Soomaaliyeed waqti galiyeen sidii dalkaan doorasho ugu dhici leheed loogana gudbi lahaa marxaladaan halista ah.

Waxa uu yiri “Inay yartay cabsida laga qabo in dalkaan uu galo dagaal qabiil iyada laga tusaale qaadanayo dhibaatooyinka ay u soo dulqaateen si loo gaaro dowladnimo buuxda”.

Madaxweynihii 8 aad ee Soomaaliya ayaa sheegay in dalkaan uu halis badan ku jiray tan iyo markii talada dalka lagu wareejiyay madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday horaantii sanadkii 2017-kii” marka la fiiriyo sida loo baalmaray dastuurka dalka iyo dhacdooyinkii foosha xumaa dalka ka dhacay”.

Xasan oo hada ah Musharax Madaxweyne ayaa cadeeyay “in marnaba uusan Farmaajo doonayn in doorasho si xor iyo xaal ah dimuqoraadi ah lagu kala baxo, laga soo bilaabo weerarkii Jawaari iyo Baarlamaanka lagu qaaday, wixii laga sameeyay dowlad goboleedyada dalka lagu soo gabagabeeyay sidii xilka looga qaaday ra’iisul wasaarihii seddex iyo bar la soo shaqeeyay”.

Farmaajo iyo nidaamkiisa ayuu ku eedeeyay in ay ku guuldaraysteen in ay hal maalin xitaa fiiriyaan waxa ku qoran dastuurka dalka oo dhigaya dhamaan qodobada la isku haayo xalkooda.

Madaxweynihii hore ayaa sheegay in qaladaad badana ay samaysay dowladda Farmaajo xilliga doorashada isaga oo qiray in doorashadu aysan ahaanayn ceeb la’aan.

Hadalkaan ayaa imaanaya iyada oo Doorashada Soomaaliya ay maraysa meel xasaasi ah, iyadoo xubnaha cusub ee Golaha Shacabka ay kamid yihiin saraakiil ciidan iyo kuwo ka tirsan sirdoonka Soomaaliya halka kuwa kalana loo diiday in ay shahaado qaataan sababo la xiriira cabasho laga keenay kurastooda.

Shahaado siinta xildhibaanada ayaa si dar dar leh uga socota magaaladda Muqdisho iyada oo ay jirto cabdi lagu qabo in uu sii jiro khilaafka doorashada waxtigeeda dib uga dhacday.

Hirshabeelle iyo Jubaland ayaa dhankooda gaabis ka muuqdaa, waxaana weli aan xal muuqda laga gaarin khilaafka hareeyay Garbahaareey oo ah degmooyinka labaad ee ay ka dhacayso doorashada maamulladaas.