Xubnihii taageeray FAHAD Yaasiin oo shaki la geliyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Khaalid Muxumud Gaabane oo ka dhashay beesha Fahad Yaasiin ee reer Aw-Xasan ayaa sheegay in dadkii shirka jaraa’id ku qabtay Muqdisho ee Fahad taageeray ay kala ahaayeen shaqaale dowladeed iyo xubno ka tirsan NISA.

Khaalid Gaboose oo sheegay inuu yahay musharax u taagan kursiga xildhibaan ee loo diidan yahay Fahad Yaasiin ayaa sheegay in ragii shalay shiray aysan metelin beesha reer Aw-Xasan, sidoo kalena ay ku jireen xildhibaano ka tirsan maamulka HirShabeelle.

“Dadkii ku shiray Muqdisho ma aheyn odayaal reer Aw-Xasan, waxay ahaayeen shaqaale dowladeed, kuwo katirsan NISA iyo Xildhibaano ka tirsan HirShabeelle, waxaa ka mid ah ninkii warqada akhrinayey wuxuu ahaa xildhibaan ka tirsan HirShabeelle,” ayuu yiri Khaalid Gaboose.

Sidoo kale Khaalid ayaa sheegay in ka beel ahaan ay u diyaarsan yihiin qabashada doorashada kursigii uu soo qaatay Fahad Yaasiin ee HOP#086, kaas oo guddiga doorashooyinka ay go’aamiyeen in lagu laabanayo doorashadiisa.

Khaalid oo la hadlay TV-ga Somali Cable ayaa sheegay in kursigaas uu ka xasaasisan yahay kuraasta kale ee natiijadooda uu diiday guddiga doorashooyinka, isagoo fariin u diray madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Siyaasigaan ayaa madaxweynaha Koonfur Galbeed ugu baaqay in kuraas tiro yar oo looga dhegay uusan u xayirin doorashooyinka dalka, “Waxaan u diyaarsanahay tartan doorasho oo kursiga HOP#086 aan u galo,” ayuu yiri Khaalid Muxumud Gaabane oo Fahad Yaasiin ku heyb ah.

Kursigaan oo Fahad Yaasiin uu ka soo qaatay Beledweyne iyo seddax kursi oo kale oo laga soo doortay Koonfur Galbeed ayaa hadda qalqal ku abuuray doorashooyinka dalka, waxaana arrintaas darteed Baydhaba u gaaray wafdi xildhibaano ah iyo madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor.

Kulamo looga arrinsano khilaafka ka taagan kuraastaas ayaa ka socda Baydhaba, waxaana la sheegay in Laftagareen uu ku doodayo in afarta kursi la wada fasaxo, isagoo u hiilinaya Fahad Yaasiin, balse lama oga halka uu ku dambeyn doono is qabqabsigaan hareeyey kurisiga HOP#086 ee Fahad Yaasiin uu soo qaatay.

Hoos ka dhageyso Wareysiga Khaalid Gaboose