Xasan Sheekh oo ka hadlay mowqifka DF ee qadiyadda FALASTIIN kadib markii la…

Doha (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaciyay in Soomaaliya ay si hagar la’aan ah u garab taagan tahay qaddiyada reer Falastiin.

Xasan Sheekh oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta Al-Jazeera ayaa waxa uu markale ku celiyay in mowqifka Soomaaliya ee Falastiin uusan waxba iska bedelin, isaga oo ugu baaqay Israel inay bedesho istiraatijiyaddeeda dhulka Falastiiniyiinta.

“Mowqifkeena markasta waa caddaa, qaddiyada Falastiin kama tanaasuleyno sabab kasta oo imaata. Xaaladda hadda jirta waa mid aan la aqbali karin,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Hadalka madaxweynaha Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xilli ay warbaahinta qaarkooda warineysay in Israel ay ka shaqeynayso sidii uu caadi u noqon lahaa xiriirka kala dhaxeeya dalal ay ku jirto Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa jirtay hadal hayn badan oo ka dhalatay sanadkii hore safar uu madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdi uu hoggaaminayo ku tageen dalka Imaaraadka, kaasi oo la xiriiray in Madaxdii Soomaaliyeed ee u safartay dalkaasi ay safar qarsoodi ah uga sii gudbeen Israel.

Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya ayaa xilligaasi beeniyay hadal haynta ka dhalatay arrintaasi, isaga oo sheegay in uusan jirin safar qarsoodi ah oo madaxda Soomaaliyeed ay ku tageen Israel, oo ay Soomaaliya la laheyn xiriir.

Si kastaba, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxa uu haatan meesha ka saaray shakiga arrintaas laga qabay, isaga oo cadeeyay in qaddiyada reer Falastiin aysan waxba ku badalaneyn, mowqifkoodana uu sidii hore yahay.