Xasan Sheikh oo ku wajahan Jowhar & siyaasiyiin ka horeeya (Maxaa socda?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo xog ogaal ah ayaa u sheegay Caasimada Online in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxammuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo ay manta u ambabixi doonaan magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeellaha Dhexe.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa la sheegay in ay ka qeybgali doonaan daah-furka Jaamacad laga hirgaliyo magaalada Jowhar iyo mashaariic kale.

Wariye ku sugan Jowhar oo lahadlay Caasimada Online ayaa sheegay in magaalada laga dareemayo soo dhaweynta madaxweynaha iyo wafdiga la socda, wuxuuna intaas ku daray in ammaanka magaalada aad loo adkeeyay.

Magaalad Jowhar waxaa shalay gaaray wafdi hor dhac u ah madaxweynaha safarkiisa, waxaana ka mid ah ra’iisal wasaarihii hore Cali Geedi iyo guddoomiyaal hore ee gobalka Banaadir.

Maamulka gobalka Shabeellaha Dhexe ayaa horrey dowladda ugu eedeeyay in ay ka gaabiyeen wax u qabashada gobalkaas maadamada ay fatahaad horey gobalka baab’iyay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com