XASAN SHEEKH oo laga fujin la’ yahay arrinta…!

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa ka hadlay ahmiyada uu leeyahay qaadashada Federaaliisimka, waxa uuna sheegay in Soomaalidu ay yihiin kuwo inta badan waqti danbe kusoo baraarugo waxa ahmiyada u leh.

Waxa uu sheegay in ujeedka ay DF Somalia u qaadaneyso Federaaliisimka ay tahay sida wax looga bedeli lahaa dhibta heysata Soomaalida, islamarkaana Somalia ay ula tartami laheyd Dowladaha dhigeeda ah.

Dowlada Somalia ayuu sheegay inaysan dooneynin in Umadda Soomaaliyeed ay ku baabi’iso waxa loogu yeero Federaalka balse ay hamineyso inay ku jaan-rogto marxaladaha murugeysan ee iminka ka taagan dalka.

Madaxweynuhu waxa uu intaasi ku daray in is kooxeysi ka dhasha Federaalka ay dhibaato ku noqoneyso kaliya Umadda Soomaaliyeed iyo Dowladnimada Soomaaliyeed, balse ay yihiin kuwo dhanka wanaaga ku raadinaayo qaadashada Federaaliisimka dhaqangalinteeda uu iminka socdo.

‘’Ruuxii ku fikiraayow inuu Federaaliisimka u adeegsado wadooyin qaldan ogaaw taasi waa mid adiga kuu gaar ah, anagu waxaan ka qaadan doonaa qeybta wanaagsan’’

Waxa uu soo hadal qaaday shaqsiyaadka kasoo horjeeda qaadashada Federaaliisimka, waxa uuna ku tilmaamay kuwo doonaayo in Somalia ay dhulka lasii galaan waxa uuna uga digay inay ka fiirsadaan mugdiga ay doonayaan inay ku hogaamiyaan Somalia.

Dhanka kale, waxa uu ballanqaaday in isaga iyo Xukuumada Somalia ay Somalia kusii hogaamin doonaan ka talinta aayaha Umadda si meesha looga saaro dib u dhac ku yimaada dalka Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com