Xasan Sheekh oo laga saaray hoolka shirka waxbarashada kadib arrin ka dhacday

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh ayaa maanta si deg-deg ah looga saaray hoolka uu haatan ka socdo shirweynaha waxbarashada dalka, kadib markii uu dab ka kacay qaybo ka mid ah hoolka.

Ilaalada madaxweynaha iyo kooxda qaabilsan baratakoolka ayaa tallaabo deg-deg ah qaaday, markii uu dab ka kacay, waxaana madaxweynaha loo saaray banaanka hoolka.

Sababta loo saaray madaxweynaha ayaa la xiriirta badqabkiisa, maadaama xaalad degdeg ah ay soo korortay, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo goobta ku sugan.

Wararka ayaa sheegaya in dabka uu ka dhashay koronto, wuxuuna sababay in shirka uu galo hakad, maadaama ay xaalad deg deg soo korortay.

Sidoo kale arrintaan ayaa cabsi weyn dhalisay, taas oo ku aadan in dabka uu sii faafo, ayada oo ay goobta ku sugnaayeen madax kala duwan oo uu ugu sarreeyo madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo bahda waxbarashada dalka.

Xaaladda goobta ayaa mar qura isbedashay, waxaana haatan billowday dadaallo lagu daminayo dabkaasi.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Villa Soomaaliya oo ku aadan dhacdadaasi, walow haatan xaaladdu ay dagan tahay.

Gubashada ayaa maalmihii u dambeeyay kusoo badaneysay caasimada, waxaana maalin kahor uu dab qabsaday, isbitaalka Martiini, kaas oo geystay khasaare xoogan.

Waxaa sidoo kale horay u gubtay xaafado ka tirsan Muqdisho iyo goobo ganacsi oo ku yaalla agagaarka Banaadir iyo Suuqa Bakaaraha, kadib markii uu dab xoogan qabsaday.