28.9 C
Mogadishu
Saturday, October 25, 2025

Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh oo isku diiwaan-geliyay doorashada qof iyo cod

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaaday tallaabo culus oo la xiriirta qorshihiisa gaarka ah, gaar ahaan hirgelinta doorashada qof iyo codka ah, isaga oo maanta si rasmi ah isku diwaan-geliyay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaatay shahaadada is diiwaangeinta ee guddiga doorashooyinka, wuxuuna tegay mid kamid ah xarumaha ay ka socoto diiwaangelinta dadweynaha, sida ay muujinayaan sawirro lagu baahiyay baraha bulshada.

Arrintan ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo uu Madaxweynaha Qaranka ku muujinayo taageeradiisa buuxda ee hirgelinta nidaamka doorasho qof iyo cod oo dalka ka dhacda, xilli uu weli ka taagan yahay muran xooggan, maadaama ay tabasho qabaan mucaaradka dalka.

Shahaadada is-diiwaangelinta waxaa horay u qaatay Ra’iisul wasaaraha, ku xigeennadiisa, guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo qaar kamid ah madaxda maamul-goboleedyada dalka, waxaana haatan ku biiray Madaxweyne Xasan oo hormuud u ah doorashada qof iyo codka ah.

Is-diiwaangelinta Madaxweynaha ayaa kusoo beegantay, xilli weli ay sii socdaan wada-hadallada u dhexeeya isaga iyo mucaaradka, waxaana fadhi kale ay u ballansan yihiin maalinta Arbacada ah ee soo socota, si ay usii amba qaadaan wada-hadalladooda.

Mucaaradka ayaa weli dood wayn ka qaba wax ka beddalka dastuurka iyo hannaanka ay ku socdaan doorashooyinka dalka oo ay weli isku khilaafsan yihiin labada dhinac.

Waxaa kale caro ku maqan Puntland iyo Jubaland oo iyana khilaaf siyaasadeed oo culus uu kala dhexeeyo Villa Soomaaliya, kaas oo sababay inay toos u kala tagaan dhinacyadaasi.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad adag oo xasaasi ah, waxaana usii dheer dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab oo haatan si xooggan uga socda gudaha dalka.

- Advertisement -

Read more

Local News