Xasan Sheekh oo meesha ka saaray arrin looga cabsi qabay inay ku dhaqaaqaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta khudbad ka jeediyay shirka beel-weynta Muddullood oo saaka ka furmay mowlaca Macallin Nuur ee magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah.

Xasan Sheekh ayaa shirkaasi ka sheegay in sida dad badan ay ka cabsi qabaan aysan beesha Mudulood marnaba ka suurtoobin inay dumiyaan dowladnimadii ay waqtiga badan soo galiyeen oo ay lugooyan, maadama uu dhiig badan usoo daatay, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Wuxuuna si cad u sheegay inaysan jirin cid xiligan ka hor iman karta doorasho ‘qof iyo cod ah’ amase dhihi karta ma rabno, iyada oo la fahamsan yahay in Villa Somalia ay ku rabto inay Farmaajo ugu sameynayso muddo kororsi, taasi oo si weyn looga digay

Xasan ayaa sidoo kale qaba in doorashada qof iyo cad ay tahay mid sax ah, balse aan si dhab ah looga shaqeyn xiligii ay ugu habooneyd, kadib markii uu ansixiyey baarlamaanka Soomaaliya.

Waxa kale oo uu ka digay in koox gaar ah ay isku koobto aragtideeda, oo ay ku jaan-goyso arrimaha masiiriga ah ee dalka, taasi oo uga hor imanayo qorshaha Villa Somalia, oo muddooyinkii dambe ku howlaneyd qorshe ku kaliyeystay.

Xasan Sheekh ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in kala aragti duwanaanta afkaartu ay horseedo xad-gudub lagula kaco shaqsiyaadka, maadama ay dimuquraadiyadu qofka siineyso inuu si xoriyad ah u dhiiban karo afkaarta uu qabo.

Ugu dambeyntiina waxa uu ugu baaqay madaxda sarre ee dalka inay dhowraan dastuurka iyo dimuquraadiyada, iyadoo la wada yeelanayo wada-tashi loo dhan yahay,isla markaana si dhab ah loo fulinayo waxyaabihii lagu heshiiyo.