Cali Mahdi: “Dowlad fiican haddaan waayo qorigeyga weli xabaddii way ku jirtaa”

Muqdisho (Caasimada Online) – Cali Mahdi Maxamed oo kamid ah Madaxweyneyaashii hore ee dalka oo maanta ka qeyb-galay shirka beelaha Mudullood ayaa ka hadlay arrimaha doorashooyinka iyo xiisada siyaasadeed ee ka taagan dalka.

Cali Mahdi ayaa dowladda Farmaajo uga digay muddo kororsi ay muddooyinkii dambe waday qorshihiisa, kaasi oo daaqada ka saaray ra’iisal wasaarihii hore ee dalka, Xasan Cali Kheyre, sida la aaminsanyahay.

Wuxuuna carabka ku adkeeyay in doorashadu xiligeeda ay ku qabsoonto, maadaama ay xiligan dalka galin karto qalaalase siyaasadeed oo hor leh.

Cali ayaa madaxweyne Farmaajo uga digay inuu dalka u horseedo dagaal sokeeye oo hore looga soo gudbay, isla markaana uu meesha ka saaro fikirkiisa muddo kororsi ee uu ku dhaganaa muddooyinkii dambe.

Wuxuuna si cad u sheegay in aysan jirin cid xiligan aqbaleysa inay dalka ka dhacdo muddo kororsi, iyadoo beesha caalamka oo taageero badan siisa dowladda Soomaaliya ay ka deyrinayso qorshaha Villa Somalia.

“Dowlad fiican ayaan rabaa ninkii aan ka qaayana qorigeygii cadaa weli xabada lagama bixin, warku in uu cadaadaa la rabaa, dowladda maanta joogta ka yeeli meyno doorasho la’aan” ayuu yiri madaxweynihii hore ee dalka Cali Mahdi Maxamed.

Hadalka Cali Mahdi ayaa kusoo aadaya xilli ay dhawaan Madaxtooyada Soomaaliya ay markii u horeysay sheegtay inay dalka ka dhici karto muddo kordhinta ay ka digeen saamileyda siyaasadda.

Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya, Cabdinuur Maxamed Axmed oo xiligaasi ka qeyb galay dood ay qabatay Idaacadda BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga, ayaa sheegay in muddo kordhin dhowr bilood oo farsamo ah ay dhici karto.

Villa Somalia ayaa sida ay aaminsanyihiin siyaasiyiin badan waxay muddooyinkii dambe ku howlaneyd qorshayaal dhowr ah oo ay ku rabto in muddo kordhin ugu sameyso madaxweyne Farmaajo, taasi oo meel adag iska taagen mucaaradka iyo saaxiibada beesha caalamka ee taageera dowladda.

Halkan hoose ka daawo