XASAN SHEEKH oo qirtay arrimihii lagu haystay qaatayna mas’uuliyaddooda

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inuu qaatay mas’uuliyadda eeddii ay qaar ka tirsan xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya dhowaan ugu jeediyeen inuu ku fashilmay howlo badan oo laga rabay inay dowladdu qabato.

Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay khudbad ka hor jeediyay baarlamaanka ayaa caddeeyay in ay waqti badan ku bixiyeen sidii isfaham, wadahadal iyo isu-garowsho loogu xallin lahaa arrintaas, wuxuuna xusay inay soojeedinta xildhibaannada ku saleysneyd cabsi laga qabay inay hirgeli waayaan xasillooni, dowlad-wanaag iyo doorashada lagu wado inay dalka ka dhacdo sanadka 2016.

“Anigoo garwaaqsanaya cabsidaas jiri karta, waxaan gartay inaan mas’uuliyadda cid kale dusha laga saarin oo aan aniga qaato” ayuu yiri madaxweynaha oo xidlhibaannada ka codsaday inay ilaaliyaan deggenaashaha siyaasadeed ee dalka si ay u sii socdaan howlaha dowladda.

Madaxweynaha wuxuu baarlamaanka hortiisa ka ballan-qaaday inuu si hagar la’aan ah dalka ugu hoggaamin doono si waafaqsan dastuurka iyo ilaalinta qarannimada, midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka ummadda.

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka ayaa dhowaan madaxweynaha u gudbiyay 14 qodob oo eed ah oo ku dhammaanayay in uu fashilmay, iyagoo ujeediyay inuu is casilo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com