Xasan Sheekh oo shaaciyey dalal ay Al-Shabaab lacag u dirto iyo arrinta ka dambeysa

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa lacagaha canshuuraha ah ee ay ka qaado gudaha Soomaaliya u dirta dalalka Mozambique iyo Nigeria, sida uu shaaciyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad u jeedinayay ciidamo kamid ah kuwa lagu tababaro Turkiga.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in lacagahaas ay kooxda Al-Shabaab ku maal-galiso kooxaha argagixisada ee ka dhisan dalalka Mozambique iyo Nigeria, si ay usii wadaan falalka arxan darada ah.

“Lacagta ay Soomaaliya ka aruuriyaan ayey dibada u diraan, ka Mozambique iyo Nigeria ka dagaalamaya taburacaadka laga aruuriyo Soomaaliya ayaa loo geeya. Faktii hore lacag waa ka imaan jirtay hada teena loo qaada oo loo geeya,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay dowladda qorshe ka leedahay sidii looga soo afjari lahaa meelaha kala duwan ee Al-Shabaab ay ka hesho lacagaha baada ah ee u bixiso Zakawaadka iyo Canshuuraha.

“Waa in aan soo xirno tuubooyinka dhaqaalaha ay ka helaan ka dekadda u jooga, ka baadiyaha u jooga ee Zakada u aruuriyay, ka u aruuriya taburacaadka jihaadka waa in aan gacanta ku dhigno.”

Madaxweyne Xasan ayaa waxa uu carabka ku adkeeyay in dowladiisa ay ka go’an tahay sidii ay dhan walba uga adkaan laheyd kooxda Al-Shabaab, oo sanadihii u dambeeyay ku xoogana gudaha Soomaaliya.

“Ninkii ka tanasula fikirka xagjirnimada ee Al-Shabaab ee ka tanusla in uu dhiig Soomaaliyeed daadiya, qirtana in uu qaldana oo uu dadka Soomaaliyeed cafis weydiisto, Wiil Soomaaliyeed waaye waa noo soo noqonaa waa naga tirsan yahay.”