Xasan Sheekh oo shaaciyey wixii dhexmaray isaga iyo Muse Biixi, saxiixii badda ka hor

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qeyb ka mid ah khudbad uu ka jeediyey Masjidka wuxuu kaga hadlay wixii Jabuuti u dhex maray isaga iyo Muuse Biixi, intii uusan dhicin heshiiskii badda ee Addis Ababa.

Xasan Sheekh ayaa ugu horeyn sheegay in isaga iyo Muuse Biixi ay u wadahadleen si walaalnimo ku jirto, iyadoo dhinac kasta uu miiska soo saaray doonistiisa.

“Muuse Biixi Jabuuti ayaa isugu tagnay toddobaadkii hore, wadahadaladeenu jiho fiican ayey u socdeen, kala duwanaasho waa qabnay,” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Xasan Sheekh ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in isaga iyo Muuse Biixi ay isisoo hor fariistaan oo ka wadahadlaan masiirka Soomaaliya iyo Somaliland.

“Muuse Biixi wuxuu na yiri aqoonsi ayaan rabnaa, anaguna waxaan dhahnay midnimo ayaan rabnaa, waxaan dhahnay aan ka wadahadalno oo midnimada noo hormariya, adduunyada dhan ayaa hadda wax isku darsaneysee, anaga oo Soomaali ah ma kala tegi karnee, anaga oo is jecel ayaan si walaalnimo ah u wadahadleynay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaalidu markii ay is aqbali weysay lasoo haweystay, “Soomaaliyeey isma hureyno aan is aqbalno oo wadahadalno,” ayuu yiri.

“Dowladda Itoobiya waxaan leeyahay dadkiina ha qaldinina, ha u sheeginina Soomaaliya ayaan bad ka helnay, taasi madhaceyso, niyad jab haku ridinina dadkiina, madaxda Itoobiya waxaan leeyahay walaalayaal Soomaaliya waxay diyaar u tahay adduunyadu sida ay u dhaqanto inaad noola dhaqantaan,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu si cad i sheegay in dadka soo haweysanaya dhulka Soomaaliyeed ay kala dhigasho iyo kala qoqobnaan ka dareemeen Soomaalida, isagoo codsaday in sidaan wax laga bedelo oo dhulka shisheeyaha laga difaacdo.