Jabuuti oo si aan la fileyn uga hadashay heshiiska Itoobiya iyo Somaliland ee BADDA

Jabuuti (Caasimada Online) – Dowladda Jabuuti ayaa markii ugu horreysay ka hadashay heshiiskii qar iska tuurka ahaa ee ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed uu la saxiixday madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ee Itoobiya ay ku qaadaneyso qeyb ka mid ah dhulka Soomaaliya.

Heshiiskaas is-afgaradka ayaa Muuse Biixi uu sheegay inuu dhul-badeed 20 km ah kaga kireynayo Itoobiya, taas beddelkeedna Itoobiya ay si rasmi ah u aqoonsaneyso Somaliland.

Si kastaba, Itoobiya weli dhankeeda kama xaqiijin inay ogolaatay inay aqoonsato Somaliland, balse waxay sheegtay inay dersi doonto sidii ay mowqif uga qaadan laheyd arrintaas.

Hadda Daa’uud Hummad oo ah afhayeenka aqlabiyadda ee madaxtooyada Jabuuti oo la hadlay warbaahinta RFI ee laga leeyahay Faransiiska ayaa sheegay inay doonayaan inay doorkooda diblomaasiyadeed ay ka cayaaraan.

“Marka hore, Jamhuuriyadda Jabuuti waxay ka xun tahay xiisad dheeraadda ah gaar ahaan mandaqada Geeska Afrika oo horay u soo martay xiisado soo noq-noqday, mushkiladda Soomaalida iyo tan Soomaaliyeedna waxay qusaysaa Soomaalida oo keliya. Annagu kuma faragelin arrimahooda gudaha,” ayuu u Daa’uud Humma u sheegay warbaahinta RFI.

“Waxa aan daacad ka nahay ballanqaadkeena diblomaasiyadeed ee mabaadii’da aasaasiga ah ee quseeya caddaaladda iyo nabadda gobolka geeska afrika.”

“Jamhuuriyadda Jabuuti waxay soo jeedinaysaa in si Soomalinimo oo qoysnimo loo dhameeyo mushkilada, waa taladayada,” ayuu yiri Daa’uud.

“Hadda waxa aan hayna madaxnimada meertada ee uruur goboleedka Igad gaar ahaan Jabuuti oo khibrad u leh arrinta. Dalka Jabuuti waxaa uu horey dhex dhexaadin ka sameeyay oo uu u kala dab qaaday dhibaatada Suudaan ka dibna Somaliya iyo Somaliland. Dalka Jabuuti waxa uu diyaar u yahay inuu khibradiisa u soo bandhigo cidda ay khusayso,” ayuu intaas ku daray Daa’uud Humma.

Dhanka kale waxaan la xirirnay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya si ay uga falceliyaan qaabka ay Jabuuti uga hadashay arrintan bale waa ay ka gaabsadeen.