Safiirkii Soomaaliya ee Turkey oo is-casilay + Sababta

Ankara (Caasimada Online) -Safiirkada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiyay dalka Turkiga, Jaamac Caydiid  ayaa maata ku dhowaaqay inuu is casilay kadib qoraal uu soo saaray.

Danjire Jaamac Caydiid ayaa sababaha uu isku casilay ku sheegay ka qayb-galka tartanka doorashada madaxtinimada ee maamul goboleedka Soomaaliyeed Puntland.

Safiirkii hore ee Soomaaliya oo deegaan ahaan kasoo jeedo Sool ayaa kamid musharaxiinta isku taagay xilka madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland, maadaama la filayo in todobaadkan ay dhacdo doorashada madaxtooyada oo ay si weyn loogu loolami doono.

“Mar haddii aan u tartamayo xilka Madaxweyne ku xigeenka Puntland, waxaan iska casilay shaqadii danjirenimo ee aan Qaranka u hayey” ayaa ku yiri qoraalkiisa.

Sidoo kale wuxuu u mahadceliyay madaxweynahya Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo bahda safaaradda oo ay soo wada shaqeynayeen muddo ka badan 6 sano.

“Waxaan u mahadcelinayaa Xasan Sheekh Maxamuud, bahda MFASomalia iyo diblomaasiyiyiintii 6.5 sanadood igala shaqeynayay SomaliainTurley” ayuu raaciyay.

Jaamac Caydiid ayaa haatan ku sugan magaalada caasimada ah ee Garoowe oo uu uga dhowaaqay musharraxnimadiisa, wuxuuna sidoo kale ku jiraa ololihiisa doorashada.

Puntland ayaa waxaa ka soconayo olole doorasho oo ku aadan madaxtooyada, maadaama baarlamaankii lasoo dhameystiray, kadibna la doortay guddoonka cusub ee Golaha Wakiilada oo sii magacaabay guddiga doorashada ee madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.