Dagaal iyo duqeymo ka socda gobolka MUDUG

Caad (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta dagaal xoogan uu ka socdo koonfurta gobolkaasi, kadib markii ay weerar culus Al-Shabaab ku qaadeen ciidamada dowladda, kuwa Galmudug iyo dadka deegaanka.

Dagaalka ayaa xoogiisa waxa uu ka dhacay deegaanka Jeex-Jeexa oo hoostaga magaalada Caad ee koonfurta gobolkaasi, halkaas oo ay ku xoogan yihiin Al-Shabaab.

Weerarkan waxaa si wadajir ah u qaaday ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Gorgor, kuwa Daraawiishta Galmudug iyo Macawiisleyda ka howlgasha deegaanka.

Sidoo kale waxaa dagaalka oo saaka hore ay qaadeen ciidamada huwanta, soona gaaray illaa duhurkii ayaa waxaa barbar socday duqeymo ay fulinayaan diyaarado dagaal.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka, maadaama weli uu socda, isla markaana ay xaaladdu tahay mid aad u kacsan.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay cagta mariyeen difaacyadii Al-Shabaab, uuna weli dagaalka ka socdo aagga deegaanka Jeex-Jeexa.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan weerarkaasi dhulka iyo cirka ee maanta lagu qaaday.

Mudug ayaa waxaa maalmihii u dambeeyay ka socday howlgallo ballaaran oo ay iska kaashanayaan ciidamada Xoogga dalka, kuwa Galmudug iyo dadka deegaanka.