Xasan Sheekh oo si adag uga jawaabay go’aankii DF, farriin culusna diray + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo warbaahinta kula hadlay shir jaraa’id oo ay caawa qabteen midowga musharaxiinta ayaa si kulul uga hadlay go’aankii maanta ka soo baxay xukuumadda federaalka iyo qaar ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada dalka.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in madaxdii dowlad goboleedyada ee maanta garab taagnaa ra’iisul wasaaraha aysan go’aankaas ku metelin dadkii iyo gobolladii loo doortay.

“Doorashada lagu dhawaaqay in la qabto suurta gal maaha oo midnimada dalkan ayey dhaawacee, walaaleheena uu ra’iisul wasaaruhu u weynaa ee maanta isla taagnaa, sida ay u dhaqmeen sax maaha, madaxdii qaar ayaa maqan oo la leeyahay waa laga tashanaa, kuwa kale ee maanta meesha taagnaana kuma metelaan dadkii shalay doortay,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Waxa uu sheegay in madaxda dowlad goboleedyada Galmudug, K/Galbeed iyo HirShabeelle aan laga yeeleyn qorshahooda ah “Madaxweynaha ayaan kursiga u soo boobeynaa oo dadka anagaa soo gacan maroojineyna, taasi sax ma’ahan” ayuu yiri.

“Madaxweynaha waxaan leenahay dalka inaad tiraahdo qaar waa laga maarmaa, qaarna ciidamo ayaan geysanaa oo xoog dadka iigu soo afduuba, nimankii loo doortay deegaanadaasna ay raali ku yihiin, dadka ka soo jeeda dowlad goboleedyadaas raali kama ahan arrintaas,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xasan Sheekh.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay muhiim tahay isku celinta dadkan Soomaaliyeed ee ka soo daalay kala fogaanshaha iyo kala shakiga, isla markaana madaxweynaha laga rabo in hadii uu xukunka sii joogayo uu dadka Soomaaliyeed isku haayo, hadii uusan sii joogina dadkii oo is heysta oo aan kala maqneyn uu wareejiyo.

“Aamusnaanta madaxda maamulladii maanta meesha joogay waxaa u arkeynaa inay dhaheen hanaloo keeno ciidamo aan doorashada ku dhacno madaxweynuhuna uu sidaas rabo, marka taasi waa khatar, midnimada dalka ayaa khatar ku jirta maanta,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Hoos ka Daawo