Daawo: Rooble iyo Daahir Maxamud Geelle oo kulmay iyo GEELLE oo shaaciyey arrin ay is-dhaafsadeen

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Daahir Maxamuud Geelle oo ah musharax madaxweyne, isla markaana ka mid ah golaha midowga musharaxiinta.

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Musharax Daahir Geelle ayaa kulan saacado qaatay yeeshay, waxayna ka wadahadleen muranka ka taagan doorashooyinka dalka.

Daahir Geelle Geelle oo si kooban uga hadlay kulankaas ayaa sheegay in ra’iisul wasaaraha casuumay, isla markaana ay is dhaafsadeen aragtiyo ku aadan doorashada iyo xaaladda guud ee dalka sida uu sheegay.

“Waxaan rabaa inaan idinla wadaago galabta waxaan marti qaad ka helay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, waxaana ku soo booqaday xafiiskiisa, waxaan is dhafsanay aragtiyo ku aadan marxaladda kala guurka ah ee dalku ku suganyahay iyo hanaanka looga gudbi karo,” ayuu yiri Daahir Geelle.

Isagoo sii hadlaayey ayuu yiri, “Ra’iisul Wasaaraha waxaan is dhaafsanay aragtiyo aad iyo aad u kala durugsan, waxuu isoo gudbiyey dowladda aragtideeda ana aragtida musharaxiinta ayaan u gudbiyey, qadarin ayaan u hayaa Ra’iisul Wasaaraha.”

Kulankan ayaa ku soo aaday iyadoo maanta Ra’iisul wasaaraha oo ay garbihiisa taaganyiihiin Qoor Qoor, Lafta Gareen, Cali Guudlaawe iyo Cumar Filish uu ku dhawaaqay in la guda gelayo hir-gelinta doorashada dalka.

Musharaxiinta mucaaradka ah iyo madaxda Jubbaland iyo Puntland ayaan wax talo ah ku laheyn doorashada uu maanta ku dhawaaqay Rooble, waxaana haatan Hotelka Jaziira ka socda ay shir ay isugu yimaadeen musharaxiinta mucaaradka ah, kaas oo la filayo inay ka soo baxdo fal-celin ka dhan ah go’aankii maanta.

Hoos ka Daawo