Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida oo xil ka qaadis wajahaya

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida y ogaatay Caasimada Online, dowladda Soomaaliya ayaa qorsheyneysa inay xilka ka qaado guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute.

Il-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in marka hore qorshaha uu ahaa in Shuute xilka laga qaado isla maalintii xilka laga qaaday guddoomiyaha maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka Sida Liibaan Cali Yarow. Hase yeeshee sababta loo shaacin waayay xilka qaadista Shuute ay tahay cabsi laga qabay inay saameyn ku yeelato qalalaasihii ka taagnaa waqooyiga Muqdisho, kaas oo si gaar ah u quseeyay dowladda Soomaaliya iyo Saraakiil u dhashay beesha Abgaal.

Talooyinka dowlada loo jeediyay ayaa ahaa in mar haddii culeys la saaray Abgaal islamarkaana la baadi goobayo saraakiil u dhashay aysan macquul aheyn in la qaado tallaabo kale oo taabaneysa isla beeshaas, waana sababta keentay in dib loo dhigo maadaama uu ka soo jeedo Abgaal.

Hadda oo lagu guuleestay xal u helida arimaha Waqooyiga Muqdisho ayaa la filayaa in la shaaciyo xil ka qaadista Xasan Cali Nuur Shuute, oo raaci doono wadadii saaxiibkiis Liibaan Cali Nuur Yarow.

Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya waxay aheyd meesha kaliya oo ay ku dambeyso cadaalada Soomaaliya, waxaana Liibaan iyo Shuute dadka Muqdisho u heestaan haddii xilkaas ay baneeyaan in ay duntay maxkamadaas.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in sababta looga qaadayo ay tahay in ay kasoo horjeesteen go’aano ay wateen siyaasiin iyo dad xilal ka haayo dowladda oo la rabay in lagu dhibaateeyo saraakiil ciidan islamarkaana ay mas’uuliyiintaan sheegeen in aysan sax aheyn, waxeyna taasi keentay in xilalkooda ku waayaan.

Shuute wali waa guddoomiyaha maxkamad basle waxaa diyaarasan xil ka qaadistiisa sida ay noo sheegeen xog heynta gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya.