Xasan Sheekh oo war culus soo saaray kadib ansixintii wax ka beddelka dastuurka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka hadlay tallaabadii ay maanta qaadeen xildhibaannada labada Gole oo ansixiyay cutubka 1-aad iyo 4-aad ee Dastuurka dalka.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaca ka qaaday in maanta ay tahay maalin taariikh ah oo baal dahab ka gali doonta hannaanka dowlad-dhiska dalka ee muddada dheer soo socday.

Sidoo kale wuxuu ku bogaadiyey Guddoonka iyo Xildhibaannada Labada Aqal ansixinta qabyo-tirka cutubyada 4-ta ah ee Dastuurka Federaalka Soomaaliya oo ay ka soo shaqeeyeen Labada Guddi ee dib u eegsita Dastuurka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale  tilmaamay in dastuurka uu ku saleysan yahay Shareecada Islaamka iyo dhaqanka suubban ee Soomaaliyeed, loona baahan yahay in la dhameystiro.

Waxaa kale oo uu hoosta ka xarriiqay ahmiyadda ay u leedahay dowladnimada Soomaaliyeed dhammeystirka Dastuurka.

“Maanta waa maalin taariikhi oo baal dahab ka gali doonta hannaanka dowlad-dhiska dalka ee muddada soosocday. Dhammeystirka Dastuurka waxa uu aas-aas u yahay horumarinta dimuqraadiyadda, qarannimada iyo Hay’adaha dowladnimada, ayuu yiri Xasan Sheekh.

Dhinaca kale wuxuu baaqay baarlamaanka Soomaaliyeed inuu sii wado dadaalkiisa ku aadan dhammeystirka dalka, si loo turxaan bixyo qodobada harsan.

waxaan ugu baaqayaa Xildhibaanna Labada Aqal in ay sii amba-qaadaan turxaan-bixinta, toosinta iyo dhammeystirka cutubyada dhiman ee Dastuurka” ayuu mar kale..

Ansixinta wax ka beddelka dastuurka oo ay si aqlabiyad leh maanta ku meel-mariyeen xildhibaannada ayaa kusoo aaday, xilli ay diidan yihiin mucaaradka iyo Puntland.